Xildhibaanad Muna Omar Hassan oo soo gaartay Magaalada Minneapolis ee dalka mareykanka

Xildhibaanad Muno Cumar Hassan oo ka tirsan  Xildhibaanada Aqalka Sare ee dowladda Fedraalka Somalia oo ka qayb-gashay Shirka baraalamanada haweenka Adduunka ee sannad kasta lagu qabto bisha sadexaad Magaaladda New york ee dalka Mareykanka ayaa  waxay soo gaaratay Gobolka Minnsota  garoonka caalamiga ah ee  Minneapolis Saint Pol  .waxaana halkaas ku soo dhaweeyey qaar ka mid jaaliyadda Soomaaliyeed,wariyaal & fanaaniin hore oo ay ka mid ahaayeen Hibo Mohamed Nuur & Cadar Ahmed kaahin.

Shirka  oo  ay somalia u matalayeen labo Xildhibaan oo ka tirsan  Xildhibaanada haweenka  aqalka sare ee dowladda Fedraalka somalia ayaa waxay  kala yihiin Xildhibaanad Muno Omar hassan & Xildhibaanad Hodan Mohamuud Osmaan iyadoo sannadkaan diiradda lagu saaray Sidii ay haweenku uga qayb noqon lahayeen Siyaasadda calaamka & sida haweenka loo caawin lahaa.

fanaaniinta caanka ah ee  Hibo Mohamed Cudoon  Hibo Nuuro & cadar Ahmed Kaahin oo ka mid aha ilayski & iftiinkii fanka soomaaliyeed barisamaadkii ayaa Gagida Diyaaradaha uga hortagay Xildhibaanad Muno ,iyagoo sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin soo dhaweynta Xildhibaanadda.

Xildhibaanad Muno Omar Hassan ayaa sheegtay in ay wakhti la qaadan doonto jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Minnsota ,gaar’ahaan haweenka Soomaaliyeed,iyadoo uga war bixindoonta xaalada dalka & hormarka dowladda ay ku tilaabsatay.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Notice: Undefined index: minimize_desktop in /customers/8/4/8/radiosyl.com/httpd.www/wp-content/plugins/mystickyelements/mystickyelements-front.php on line 114 Notice: Undefined index: minimize_mobile in /customers/8/4/8/radiosyl.com/httpd.www/wp-content/plugins/mystickyelements/mystickyelements-front.php on line 116
Get Widget