Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Warshadaha & Maalgashiga Puntland oo la kulmay Madaxda Gobolka Minnesota.

USA-Radiosyl.com

Wasiirka wasaaradda ganacsiga,Warshada & Maalgashiga dowladda Puntland Mudane Abdullahi Abdi Hirsi oo maal-mahaan safar shaqo ku marayey dalka mareykanka ayaa wuxuu la kulmay madadxda Gobolka Minnesota.

Wasiirka ayaa Madaxda uu la kulmay waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha rugta Ganacsiga Gobolka Minnesota,Mr Jonathan Weinhegan,Guddoomiyaha Gobolka Minnesota Mr Tim Walz,Xeer ilaaliyaha guud ee Gobolka Minesota Mr.Keith Ellison & Xildhibaan Mohamuud Nuur oo ka mid Xildhibaanada laga soo doorto Gobolka Minnesta.

Madaxda Gobolka & Wasiirka ayaa wax yaalaha ay ka wada hadleen waxaa ka mid ahaa xariirka Gobolka Minnesota & Puntland sidii loo xoojin lahaa,la iskana kaashan lashaa ,Siyaasadda,arrimaha dhaqaalaha,Ammaanka & Tayeynta shaqaalaha.

Wasiir Abdullaahi Abdi Hirsi ayaa uga waramay Madaxda Hormarka ka hana qaaday Somalia,gaar’ahaan deeganada Puntland oo maantay marti u tahay madaxdii dalka oo dhan.

Mr Jonathan Weinhegan Gudoomiyaha rugta Ganacsiga gobolka Minnesota ayaa sheegay in ay bilaabi doonaan wada shaqeyn dhow oo wadada u furta dadka ku nool Puntland & Kuwa Gobolka Minnesota.

Xildhibaan Mohamud Nuur ayaa wasiirka ku soo dhaweyey xarunta Baarlamaanka gobolka Minnesota,wuxuuna wasiir sheegay in ay sharaf u tahay in uu wasiirku gobolka soo booqdo,wuxuuna kaloo goobta ka cadeeyey in ay wada shaqeyn-doonaan arrimaha hormarkaPuntland.

Wasiirka wasaaradda Ganacsiga,warshadaha &Maalgashiga dowladda Puntland ayaa ka mahadceliyey,sida sharafta leh ee Xildhibaanku ugu soo dhaweeyey xarunta looga arrimiyo Gobolka Minnesota,wuxuuna ku ammaannay wasiirku, Xildhibaanka sida uu dalkiisa & dadkiisa u jecel yahay.isagoo uu ku marti qaadayXildhibaanka Puntland. 

Intaas kaddib,ayaa waxaa wasiirka Afur sharafeed la qaatay Xeer ilaaliyaha guud ee Gobolka Minnesota Mr.Mr.Keith Ellison & gudoomiyaha Gobolka Minnesota Mr Tim Wals,iyagoo bulshada Soomaaliyeed,gaar’ahaan kuwa ka soo jeeda deeganada Puntland in ay kashaqeeyaan Midnimada & Nabad-galiyada.

Notice: Undefined index: minimize_desktop in /customers/8/4/8/radiosyl.com/httpd.www/wp-content/plugins/mystickyelements/mystickyelements-front.php on line 114 Notice: Undefined index: minimize_mobile in /customers/8/4/8/radiosyl.com/httpd.www/wp-content/plugins/mystickyelements/mystickyelements-front.php on line 116
Get Widget