Shirkii Qadka telefoonka Ku Dhexmaray Madaxweynaha Cusub ee Puntland iyo Damujadiid maxuu ku Dhamaaday?

Wararka RadioSYL: Waxaa Qadka Telefoonka shir ku dhex maray Madaxweynaha Cusub ee Puntland Mudane Saciid Abdullahi Dani oo 8 bishaan loo doortay in uu noqdo madaxweynaha Puntland hogaaminaya shanta sanno ee soo socota iyo Madax sare oo ka tirsan Ururka Damujadiid. Dad kala duwan oo aan la xariiray kuna sugan magaaladda  Garoowe ayaa noo xaqiiyay in Shaqsiyaadka ka tirsan ururkaas ay qadka telefoonka kula soo hadleen kana codsadeen Madaxweynaha Puntland in uu soo Saaro Waraaq uu ku Cadaynayo in uusan aqoonsanayn  ku sheegayo Doorashadii Koofur Galbeed in ay ahayd mid aan si xoriyad ah u dhicin ayna dowladda feederaalka ah ay danbiyo ka gashay shacabka koofur galbeed isla markaasna dowladda feederaalka ay xiriirka wada shaqayneed u jaraan.

Balse Madaxweynaha Cusub ayaa sheegay inta uu xilka la wareegayo in uusan wax waraaq ah oo  arintaas ku saabsan soo saarahayn kana hadlayn balse lama oga hadii xilka uu la wareego in uu fulin doono codsigaas taas ah go’aan in la fuliyo ay adagtahay.

Wararka RADIOSYL KALA SOCO WAXII KA SOO KORDHA:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Notice: Undefined index: minimize_desktop in /customers/8/4/8/radiosyl.com/httpd.www/wp-content/plugins/mystickyelements/mystickyelements-front.php on line 114 Notice: Undefined index: minimize_mobile in /customers/8/4/8/radiosyl.com/httpd.www/wp-content/plugins/mystickyelements/mystickyelements-front.php on line 116
Get Widget