Qarax Xalay Saq Dhexe Laga Maqlay Magaalada Bosaaso Ee Xarunta Ganacsiga Puntland

Radiosyl.com

Qarax xoogan ayaa xalay laga maqlay gudaha magaalada boosaaso kaas oo ahaa miino ilinka hore ee gurigiisa loogu aasay taliyaha ciidamada ka dagaalama degaanka gal-gala.

Qaraxyadaan ayaan geeysanin wax qasaaro ah marka laga tago dhawaqooda oo laga maqlay gebi ahaanba magaalada bosaaso ee xarunta ganacsiga puntland.

Sargaalka gurigiisa miinada lagu aasay ayaa radiosyl.com dadyaqaanay magaciisa u shegeen kaas oo loogu yeero C/raxmaan qadaafi welina wax war ah oo ku aadan arintaasi kama soo bixin puntland.

Sikastaba amaanka magaalada bosaaso ayaa faraha ka sii baxayay iyadoo inta badan qaraxyo iyo dilal loo geeysto masuuliyiinta maamulka puntland ee magaalada bosaaso.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Notice: Undefined index: minimize_desktop in /customers/8/4/8/radiosyl.com/httpd.www/wp-content/plugins/mystickyelements/mystickyelements-front.php on line 114 Notice: Undefined index: minimize_mobile in /customers/8/4/8/radiosyl.com/httpd.www/wp-content/plugins/mystickyelements/mystickyelements-front.php on line 116
Get Widget