Lix Ruux Oo Ku Geeriyootay Weerar Kooxo Hubaysan Ku Qadeen Gaari Maraayay Degaano Hoostaga Gobolka Hiiraan

Radiosyl.com

Lix ruux ayaa ku geeriyootay shan kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray weerar kooxo hubaysan ay ku qadeen gaari maraayay baanyaleey iyo teedaan ee gobolka hiiraan.

Weerarkan ayaa dhacay xalay kaas oo ay fuliyeen kooxo hubaysan ilaa iyo hada lama oga sababta ka danbeeysay weerarkaan iyo cida geeysatay toona.

Dadkii ku dhaawacmay weerarkaasi ayaa waxaa loo qaaday isbitaalka degaanka maxaas ee gobolka hiiraan halkaasi oo lagu siinaayo adeegyo caafimaad.

Wax war ah kama soo saarin maamulka hir shabeelle oo ka arrimiya degaanadaas habeenkii xalay ahaa lagu weeraray gaarigaasi inkastoo wararka qaar ay sheegayaan inay arintaasi lug ku leedahay aano Qabiil.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Notice: Undefined index: minimize_desktop in /customers/8/4/8/radiosyl.com/httpd.www/wp-content/plugins/mystickyelements/mystickyelements-front.php on line 114 Notice: Undefined index: minimize_mobile in /customers/8/4/8/radiosyl.com/httpd.www/wp-content/plugins/mystickyelements/mystickyelements-front.php on line 116
Get Widget