DEGDEG-Al-Shabaab oo weerar ku qaaday Saldhig Ciidamada Jubbaland.

Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa xalay weerar dhowr jiho ah ku qaaday saldhig ciidamada maamulka Jubbaland ay ku lahaayeen degaanka Diif ee gobolkada Jubbada hoose ee Soomaaliya.

Warbaahinta Alshabaab ayaa sheegtay in maleeshiyaadku ay la wareegeen saldhigaas oo ay gacanta ku dhigeen Baabuur iyo Saanad milateri oo ay sheegeen inay ka carareen ciidamadii Saldhiga ku sugnaa.

Weli kama hadlin weerarkaasi Maamulka Jubbaland, dowladda federaalka iyo dowladda Kiiniya oo ciidamadeedu ay caawiyaan ciidamada Jubbaland ee dagaalka kula jira Maleeshiyaadka Alshabaab.

Maleeshiyaadka Alshabaab ma sheegin in tirada askarta iyo maleeshiyaadkooda ee ku dhintay weerarkaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Notice: Undefined index: minimize_desktop in /customers/8/4/8/radiosyl.com/httpd.www/wp-content/plugins/mystickyelements/mystickyelements-front.php on line 114 Notice: Undefined index: minimize_mobile in /customers/8/4/8/radiosyl.com/httpd.www/wp-content/plugins/mystickyelements/mystickyelements-front.php on line 116
Get Widget