BEESHA AMMAANLE OO TAAGEERTAY MUSHARAXADDA XILDHIBAAN PUNTLNAD EE 2019, DRS. MARYAN CISMAAN AXMED (FANGASE).

Ku: Guddiga xallinta khilaafaadka xildhibaanadda Puntland ee 2019 – Garoowe, Puntland, Soomaaliya.

Annagoo tixraacayna baaqii kan ka horreeyay ee aqoonyahanka iyo qaybaha kala duwan ee beeshu kasoo saareen gobolka Bari, waxay odayaasha, waxgaradka, dhalinyarada, haweenka, aqoonyahanka, iyo guud ahaan beesha Ammaanle taageero uga muujinayaan musharaxadda Drs. Maryan Cismaan Axmed (Fangase) ee xildhibaanimada golaha wakiilada Buntilaan ee shanta sano ee socota.

Taageeridaasi waxay ka dambaysay kadib markaan aragnay aqoonta, waaya-aragnimada, kartida iyo hufnaanta Drs. Maryan, shaqooyinkii kala duwanaa ee ay kasoo qabatay dalka dibddiisa iyo gudihiisaba, dadka la tartamaya oo aan marna la barbardhigi karin dhan kasta, iyo qoondada dumarka ee xilku naga saaran yahay.

Sidaas daradeed, markaanu waxaas oo dhan aragnay oo ay maanta guud ahaan bulshada Puntland iyo gaar ahaan beesha Ammaanle ubaahan yihiin qof kasoo bixi kara xilkaas culus baahi iyo hunguri toonana aan uqabin xoolaha ummadda oo dalkiisa iyo dadkiisa ushaqeeya codkiisana aan la iibsan karin, dad badana markhaati kayihiin shaqooyinkii iyo waxqabadkii Drs. Maryan iyo horumarka laga filayo mustaqbalka in ay uqabato ummadda; ka beesha Ammaanle ahaan waxaanu taageeo buuxda la garab taaganahay musharaxadda Drs. Maryan Cismaan Axmed (Fangase) ee xubinimada golaha wakiilada Puntland ee shanta sano ee soo socota.

Ugu damabaybtii, way ku mahadsan yihiin odayaasha, waxgaradka, dhalinyarada, haweenka, aqoonyahanka, iyo guud ahaan beesha Ammaanle in ay taageero buuxda siiyaan Musharaxad Drs. Maryan Cismaan Axmed (Fangase).

Drs. Maryan waa yididiilada dhalinyarada iyo aayaha dalka iyo dadka.

Baaqaan waxaa si wadajir ah usoo saaray dadka ay magacyadoodu hoos ku qoran yihiin:

01. Nabadoon: Maxamed Diiriye Ciise
02. Daahir Cawad Maxamuud
03. Odowaa Sheikhdoon Nuur
04. Maxamuud Nuur Beereed
05. Cabdi-daahir C/laahi Cigaal
06. Maxamed Nuur Xasan
07. Siciid Salaad Ducaale
08. C/khayr Gabayre Cali
09. C/raxmaan Yuusuf Guuleed
10. Maxamed Caynab Muuse
11. C/qaadir Maxamed Nuur
12. Cali Cawad Maxamed
13. Qooje Bare Ciise
14. Calwash Dhagaafe Ciise
15. Yaasiin Yuusuf Guuleed
16. C/kariin Nuur Beereed
17. Jaamac Cawad Max’ud
18. Daahir Axmed Muuse
19. Maxamed Ducaale Cigaal
20. Jaamac C/laahi Warsame
21. Abshir C/nuur Cawad
22. Muxyidiin yuusf Guuleed
23. C/salaam Caynab Muuse
24. Faarax Yuusuf Guuleed
25. C/qani Maxamed Nuur
26. Abshir C/laahi Cigaal
27. Maxamed Axmed Muuse
28. Cumar Maxamed Ducaale
29. Ayaanle Gabayre Cali
30. Maxamed Cabdi Ducaale
31. Axmed Maxamed Nuur
32. Xaawo Maxamed Diiriye
33. Canab Maxamuud Cawad
34. Maryam Diiriye Ciise
35. Jawaahir Maxamuud Nuur
36. Baar Xasan Ciise
37. Samsam Maxamed Nuur
38. Binti Diirye Ciise
39. Baarliin Siciid Salaad
40. Dhudi Yuusuf Guuleed
41. Khadiijo Axmed Cawad

Fiiro gaar ah: Dadka taageerada iyo kalsoonida siiyay Drs. Maryan intaas aad iyo aad bay uga badan yihiin ee waa intaan ka gaarnay.

Mahadsanidiin

Image may contain: 1 person, text

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Notice: Undefined index: minimize_desktop in /customers/8/4/8/radiosyl.com/httpd.www/wp-content/plugins/mystickyelements/mystickyelements-front.php on line 114 Notice: Undefined index: minimize_mobile in /customers/8/4/8/radiosyl.com/httpd.www/wp-content/plugins/mystickyelements/mystickyelements-front.php on line 116
Get Widget