Wasiirka Ganacsiga Puntland Oo Lakulmay Hoggaanka Nabad Geliyadda Gobolka Minnesota

no responses
Saturday May 4, 2019 - 6:04 under Wararka Maanta by ilkadhagax
mqdefault

Radiosyl.com

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga,Warshadaha  & Maalgashiga dowladda Puntland Mudane AbdullaHi Abdi Hirsi & hoggaanka nabadgalyada,Asluubta & ilaaliyaha Sharciga oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan (Shariifka) Magaalo madaxda  Gobolka Minnsota ee Saint Paul horrana u ahaa Duqa magaalada Saint  Paul Mr.Bob Fletcher ( Ramsey county sherif)   ayaa kullan is xog wareysi ah la   qaatay Wasiirka.

Kullanka Shariifka & wasirka Ganacsiga,Warshadaha & Maalgashiga dowladda Puntland Mudane Abdullahai waxaa qayb- ka ahaa oo la socday qaar ka mid ah haldoorka Jaaliyadda Puntland.

Kullankaan  ayaa arrimaha looga hadlay waxaa ka mid ahaa sida Wasiirka & shariifku uga wada shaqeyn lahaayeen isku xirka & Tababarada laamaha aminga,ka shaqeynta hormarka Puntland & Gobolka Minnesota oo ah gobolka ay Somalidu ugu badan tahay.

Wasiirka ayaa uga warbixiyey Shariffka  xaalada Somalia gaar’ahaan deedannada Puntland oo uu sheegay wasiirku in hormar ballaaran laga gaaray arrimaha Siyaasadda,amniga,hormarminta arrimaha bulshada & Ganacsiga,waxayna isla soo qaadeen in la isku xiro Puntland & Minnesota.

Wasiirka ayaa ka codsaday Shariffka in ay soo booqdaan Somalia,gaar’ahaan Puntland oo uu sheegay in ay ka jirto hormar la taaban karo oo la isku hallayn-karo.

Intaas kaddib ayaa Waxaa Wasiirka lagu soo wareejiyey xarumaha Amniga ee loogu shaqeeyo Gobolka,waxana ka mid ahaa Xafiisyada,Asluubta & maxkamaddaha,iyadoo sharifku sheegay in ay is dhaafsan doonan wixii talo ah & Tababaro.

Marka uu kullanka soo idlaaday ayaa waxaa war Saxafadeed wada  qabtay Wasiir Abdullahi & Shariifka.

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *