Wafdiga Madaxweynaha DFS Oo Gaaray Magaalada Garoowe Ee Caasimada Puntland

no responses
Saturday May 4, 2019 - 3:51 under Wararka Maanta by Ahmed mohamed
mqdefault

Radiosyl.com

Madaxeynaha dowlada federalka soomaaliya Max’ed C/laahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka soo degay gegida diyaaradaha magaalada garoowe waxaana kusoo dhaweeyay madaxweynaha puntland siciid c/laahi Dani.

Shirkan magaalada garoowe ayaa ah mid wada tashi oo ay yeelanayaan maamulgoboleedyada iyo dowlada federalka somaaliya ma’ahayn mid horay u jiri jiray oo noociisa ah inta la og yahay.

Wafuudi shirkan intooda badnayd waa aysoo gareen magaalada garoowe ee caasimada puntland iminkana waxaa yimid madaxweyne farmaajo oo isaga noqonaya qofkii u danbeeyay.

Kulankaan ayaa si toos ah waxaa uu u furmayaa beri kaas oo ka dhici doona magaalada garoowe ee caasimada puntland, waa kulan muddo loo kogol xaarayay islamarkaana la doonayo inay meel wax wada dhigaan madaxda maamul goboleedyada iyo dowlada federalka soomaaliya.

Sikastaba ha noqotee khilaaf xoogan ayaa u dhexeeyay dowlada federalka soomaaliya & maamul goboleedyada qaarkood taas oo caqabad ku ah hanaanka dowladnimo ee dalka soomaaliya.

Radiosyl.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *