(VIDEO) Colaadii ka taagneed degmada Taleex mudo 7sano ah oo la soo Afjaray iyo Beelihii oo kala gudoomay 20 oo kun oo doolar

no responses
Saturday December 8, 2018 - 2:37 under Wararka Maanta by Hassan Haykal
mqdefault

Degmada Taleex ee gobolka Sool waxaa maanta  lagu soo afjaray colaad mudo 7 sano jirsatay oo udhexaysay laba beelood oo halkaasi wada dagan.

Xalinta khilaafka labadan beelood ayaa dhowr jeer oo hore lagu guul daraystay , balse waxaa maanta soo afjaray wadfi uu hogaaminayay Boqor Burhaan Boqor Muuse .
Qadkii cagarnaa ee labada dhinac udhexeeyay ayaa la qaaday , waxayna labada beelood iyo Isimaduba   socod lug ah ku mareen deegaanadii lagu dagaalamay.
Hadaba sidii lagu xaliyay colaadaasi iyo heshiskii lakala saxiixday , waxaan ka waraysanay Sheekh Fu,aad Xaaji oo kamid ahaa wafdigii culimada ahaa ee ka qayb qaatay xalinta colaada .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *