Sawirro:- Shacabka oo iskutashi ku sameeyay olole ay maaluka gobolka Banaadir ay qaban lahaayeen

no responses
Sunday February 3, 2019 - 3:00 under Arrimaha Bulshada. by Hassan Haykal
mqdefault

Dadweyne isku tashaday ayaa sameeyay howl laga sugayay Maamulka Gobolka Banaadir, iyagoo bilaabay inay dayactiraan wadada Isgoyska Fagax ee aada Ex Koontarool Balcad, halkaasoo muddo ay fadhiyeen biyo.

Wadadan oo ku dhow Isgoyska Fagax ayaa gaadiidka iyo dadweynaha ka wareegi jireen, iyagoo mari jiray waddo xaafadaha marta.

Gawaarida katarbiilada ayaa saaka lagu arkayay halka wadada ka xirneyd ee biyo fariisinka noqotay, waxaana gawaarida ay xaaqayeen carro iyo dhoobo wadada xirtay.

Qaar ka mid ah dadkii is abaabulay ee howshan qabtay ayaa sheegay in muddo ay dhibaato ku qabeen wadadan oo ay aheyd biyo fariisin ka dhashay roobabka ka da’ay Muqdisho.

Maamulka Gobolka Banaadir ayay ku eedeeyeen inay gabeen kaalintii ka saarneyd u adeegida bulshada, iyagoo sheegay inay bixiyaan canshuurta, balse aysan helin adeegyadii ay u baahnaayeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *