Qaramada Midoobay oo war ka soo saaray weerarkii Muqdisho

no responses
Saturday March 2, 2019 - 12:23 under Arrimaha Bulshada. by Hassan Haykal
mqdefault

Qaramada Midoobey, Turkiga, Jabuuti, Sucuudiga iyo Qatar ayaa si kulul u cambaareeyay Qaraxyadii habeen hore ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo dad fara badan ku dhinteen.

Qoraalo ka soo kala baxay dowladaha Sucuudiga, Turkiga, Qatar iyo Jabuuti ayaa loogu tacsiyadeeyay dowladda Soomaaliya qaraxyadaas, waxaana ay ku eedeeyeen Argagixisada inay laayeen dad shacab ah.

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay inay garab taagan tahay dowladda Soomaaliya, isla markaana mar walba gacan ka geysaneyso gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Gutteres ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxyada lagu bartilmaameedsaday goobo ganacsi ay lahaayeen dad shacab ah.

Waxaa ugu tacsiyadeeyey dowladda Soomaaliya iyo ehelada dadkii ku dhintay weerarkaasi, isagoo kuwa dhaawacmayna u rajeeyey in ay bogsoodaan, wuxuuna muujiyay sida QM ay uga xun tahay falalkasi foosha xun.

Qaraxyadii habeen hore ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sababay khasaare hantiyadeed oo aan weli la shaacin, hase ahaatee burburka dhismayaasha ayaa ahaa mid baaxadiisa sareysay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *