Labo caruur ah oo guri ka soo dhacay oo midkooda maantay lagu aasay qabuuraha Muslimiinta ee duleedka Magaalada Minneapolis.

no responses
Sunday May 5, 2019 - 7:05 under Wararka Maanta by ilkadhagax
mqdefault

Mid ka mid ah labo caruur ah Soomaalia ah oo maalinimadii Khamiista ka soo dhacay Dabakha 4-aad ee guri ku yaallaa bartamaha Magaalada Minneapolis ayaa maantay lagu aasay qabuuraha magaalada Baransifill ee duleedka magaalada Mineapolis,Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

caruurtaan oo ka yaraa 4 sanno ayaa wiilka dhintay  waxaa Aaskiisa ka qaayb-gallay qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed & waliba Muslimiinta Gobolka Minnesota,iyadoo wiilkana caafimaadkiisu soo haggaagayo.

Bashiir Garaad oo ka mid ah caalida  waalidiinta dhibku soo gaaray ayaa ka waramaya xaaladda wiil dhawaca ah & xaaladiisa.Bashiir Garaad  ayaa ugu baaqay Somalida in ay garab istaagto Hooyada & Aabaha.

maamulaha Dugsiga al Xikma oo ay caruurta walalaha ka  weyn ay dhigtan  ayaa war-baahinta qaranka Somalia uga waramay aqoonta waaridka uu u leeyahay.

Abdirahman Mukhtaar oo ka mid ah wariyaasha Soomaaliyeed,isla markaas-na u dhaq-dhaqaaqa arrimaha dhaliinyarada ayaa u tacsiyey waalidka wiilku ka dhintay,wiilka kalana uu Dhaktarka uga jiro.

dhanka kale Kullan aad u ballaran oo lagu taagrayey laguna garab istaagaeyey reerka ayaa waxaa lagu qabtay Magaalada Minneapolis.waxaana ka soo qayb-gallay  qaar mid ah Somalia Gobolka.

Xildhibanaad Hodan  Hassan oo ka mid ah Xildhibaanada  Gobolka Minnesota,lagana soo doortay xaafadda dhibku ka dhacay ayaa sheegtay in ay booqtay marka ay maqashay mashaqada,waxayana tacsi la wadaagtay waalidka.

Siyaasi Cisman Ahmed Cirro oo ka mid ahaa dadkii soo qaban qaabiyey kullanka lagu taageerayey reerka  kana mid ahaa dariska reer  ayaa  ka codsaday Somalida wararka aysan Hubin,isagoo sheegay in uu ka warqabo waalidka dhibtu soo gaartay.

Waxaa sidoo kale ka tacsiyey Mohamuud Muuse BBC,Maamulaha masaajidka Abubakar Sadiiq Abdiwaajid & LIibaan Aadan.

Abdihakim Abdi ismail War-baahinta Qaranka Minnesota.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *