Ilhaan Cumar oo dil loogu hanjabay

no responses
Sunday March 3, 2019 - 3:00 under Arrimaha Bulshada. by Hassan Haykal
mqdefault

Maamulayaasha Federalka ee dalkaasi ayaa la sheegay inay eegayaan Farriin Nacayb daran oo lala beegsaday Ilhaan Cumar oo ah Xildhibaanad Somali-Maraykanka ka tirsan Kongareeska Maraykanka.

Hay’adda Dembi-baarista Maraykanka ee FBI-da waxay sheegtay  inay ku raad-joogaan qoraal Hanjabaad iyo Nacayb ka muuqdo oo loogu hanjabayo in Ilhaan Cumar la dili doono.

FBI-da waxay sheegeen in Qoraalka Hanjabaadda lagu qoray derbiga Suulli ku yaalla Kaalin Shidaal,  isla markaana ay baaritaan ku hayaan Nin lagu tuhunsan yahay inuu qoray Farriintaasi.

Ninkaasi oo magaciisa lagu sheegay Barayn Raynis ayaa la sheegay inuu bishii hore ee Feberaayo 22-dii joogsaday Kaalinka Shidaalka ee derbigiisa qoraalka loogu hanjabayo Ilhaan Cumar lagu qoray.

Barayn Raynis waxa uu sheegay inuusan marnaba la kulmi Ilhaan Cumar oo ah Haweeneydii ugu horreysay ee Somali-Maraykan ah ee loo doorto Kongareeska dalkaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *