Guddiga kor-joogtada doorashada Puntland oo lagu dhawaaqay.

no responses
Saturday December 8, 2018 - 3:12 under Wararka Maanta by Hassan Haykal
mqdefault

Dallada ururada bulshada ee PUNSAA, ayaa maanta ku dhawaaqay Guddiga kor-joogtada doorashada Puntland iyo la socodka khilaafaadka doorashada.

Guddigaan oo ah guddi dhex dhexaad ah oo lagasoo xulay ururada bulshada ayaa shaqooyinka ay qabandoonaan waxaa kamid ah, inay la shaqeeyaan lana socdaan arrimaha doorashada, inay daba taagnaadaan maslaxada bulshada iyo inay baritaaraan wixii khilaafaad ah oo jira.

GuddoomiyahaPUNSAA Feysal Qaran, ayaa sheegay guddigaan in dhawaan lagusoo saaridoono faafin rasmi ah islamarkaana ay yeelandoonaan kulankooda ugu horeeya oo ay kaga arrinsanayaan tilaabooyinka horyaala.

Dhinaca kale, dallada Puntland ayaa murashixiinta uga digtay hadalada xanafta leh ee keeni kara kala fogaanshaha dadka reer Puntland, waxay kaloo guddiga xalinta khilaafaadka ugu baaqay cadaalad tuhuna uusan galin dhex dhexaadnimadooda, sidoo kalena wixii ku adkaada ay la tashi kala sameeyaan bulshada rayidka ah ee Puntland.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *