Daafaha Caalamka Oo Laga Xusay Maalinta Saxaafada Caalamiga Ah

no responses
Friday May 3, 2019 - 3:22 under Wararka Maanta by Ahmed mohamed
mqdefault

Radiosyl.com

Maalinta xoriyada saxaafada aduunka ayaa maanta laga xusayaa dhamaan daafaha aduunka, inkastoo dalka soomaaliya ay ka jiraan Caqabado haysta saxaafada.

Waxaan weli indhaha laga qarsan karin cadaadiska saaran Saxaafada kaas oo ka imanaya Dowlada federalka soomaaliya, Maamul Goleedyada & Kooxaha Kasoo Horjeeda

Sanadkii tagay ma jirin qasaare buuxda oo soo gaartay saxaafada soomaaliya marka laga reebo hanjabaadyo loo geeystay qaar ka tirsan saxaafada soomaaliya.

Sidoo kale kiisaska sanadkaan lahaayo waxaa kamid ah saxafiyiin laga eryay shaqooyinkii ay hayeen welina cada waxa ka danbeeyay.

Sikastaba ha noqotee saxaafada ayaa aduunka kaga jirta kaalinta 4-aad waxaa ka horeeya oo keliya Golaha Sharci dejinta, Golaha Garsoorka, iyo Golaha Fulinta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *